​Madaxweyne Gaas oo Muqdishu ku wajahan

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu wadaa in maalinta barri 08 April, 2016 u dhoofo magalada Muqdishu xarunta Somalia halkaasi oo dhawaan shir ka dhici doono.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland ka qayb galayo shirka madaxda Somalia ee 10 bishan ka furmaya caasumadda Somalia kaasi oo loogu magac daray "Somalia Leaders Forum" ee looga hadlayo arrimaha dalka iyo marxaladda kala guurka ah.

Shirkan ayaa qayb ka ah kulamo hore oo madaxda Somalidu ku yeesheen caasumadda Somalia, waxaana madashani ka duwantahay kuwii hore maadama hadda maamullada dalka iyo dowladda Federalku wada qaateen nidaamka 4.5 kaasoo lagu salaynayo doorashada 2016.

Isu-imaatinkan oo weli xog badan laga helin ayaa la filayaa in looga wada xaajoodo qaabka doorashadan loo wajahayo maadama muddo kooban ka dhimatahay islamarkaana aan la cadayn goobta lagu qabanayo.

Waxaana ilo wareedyo kala duwan oo arrimahaasi u dhuun daloola sheegayaan inaysan jirin kala aragti duwanaan xooggan, balse madaxdu isla meeldhigayaan qaabka doorashadu u dhacayso iyo taasiilaadka kale ee loo baahanyahay in la dhameystiro.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan magalada Garowe caasumadda Puntland lagu kala saxiixday hishiis dhexmaray Puntland iyo dowladda Federalka Somalia kaasi ku aadana in doorashadan sannadka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha oo Puntland muddo diidanayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM