Madaxweyne Gaas oo safar ku tagay Oslo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

OSLO, Norway- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa gaaray magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa safar ku maraya waddamada Norwey, Sweden iyo Finland waxaana socdaalkiisa ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil kale.

Jaaliyadda Puntland ee waddankaas gaar ahaan Oslo ayaa soo dhaweyn u sameeyay Wafdiga Gaas, waxaana uu garoonka ugu jeediyay hadal kooban.

"Aad iyo aad ayaan idin kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana mid aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo i farxad geliyey, waana idiinka mahadnaqayaa mar labaad iyo mar saddexaad, waxaan wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, waxaana isku waraysanaynaa kulan inta ka ballaaran,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sida ay wararku sheegayaan Gaas ayaa muddoo kooban joogi doona Oslo isagoo ugasii gudbi doono wadamada Finland iyo Sweden.

Socdaalkan ayaa yimid kadib xilli uu ka qayb galay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Somalia.

Maaha markii ugu horeysay uu safar caynkan ah madaxweyne Gaas ku maro waddamada Yurub qaybtood, balse kan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro guux xooggan oo ka dashay dood uu furay Cabdiwali Maxamed Cali kadib markii uu waraaq u gudbiyay Barlamanka taasoo lagu kordhinayo tirada Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM