​Madaxweyne Gaas oo u safray Muqdishu [Dhagayso]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta ka ambabaxay magaalo madaxda Garowe iyagoo kusii jeeda caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Gaas, ayaa ka qayb galaya shirka madasha Qaran oo maalinta barri ah [29 May, 2016], ka furmaya caasumadda Somalia, kaasi oo ay isugu imaan doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Federalka.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Canoco, ayaa sheegay inuu aadi doono magalada Muqdishu oo muddo saddex bari ah kasocon doono shir looga hadlayo qaabkii loo dardar galin lahaa nidaamka doorashada Somalia, isagoo intaasi ku daray inuu shirka kadib kusoo laaban doono caasumadda Garowe.

Hadalkan, ayaa meesha kasaaraya safar la qorsheeyay inuu madaxweynuhu ku aado waddanka isutagga imaaraadka Carabta.

Kulankan, lagu qabanayo Muqdishu, ayaa qorshuhu ahaa inuu ka dhaco caasumada Garowe sida uu madaxweyne Gaas kusheegay shir jaraa'id oo ku qabtay madaxtooyada xilli uu kasoo laabtay Muqdishu.

Waxaa sidoo kale baaqday kulan 26 bishan ka furmi lahaa Garowe, kaasi oo looga hadli lahaa dastuurka Somalia. Ilaa hadda lama garanayo sababta baajiyay.

Safarkan waxaa madaxweynaha ku weheliyay, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo xarunta Puntland u yimi arrimo la xiriira shirka baaqday ee dastuurka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM