​Madaxweyne ku-xigeenka oo amar siiyay ciidamada Puntland

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka hadlay dhibaatada ururka Shabaab iyo qorshayaashooda ku aadan inay daadiyaan dhiigga umadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay arrintaasi feejignaan xooggan ka sameynayaan.

Camay, ayaa amar xooggan siiyay ciidamada qalabka sida isagoo ugu baaqay inay feejignaadaan islamarkaana labo labaan howsha ay u hayaan shacabka Puntland, isagoo ka codsaday inay ka digtoonaadaan dhagarta Shabaab maadaama lagu jiro bisha Ramadaan oo caadu ah ururkaasi inay weeraradooda xoojiyaan.

"Waad ogtihiin waxaa lagu jiraa bisha Ramadaan, waxaana rabaa nimanka nabad diidka ah ee xasuuqa umadda Soomaaliyeed ee ah shabaab inay had iyo jeeraale isku dayaan inay dadiyaan dhiigga shacabka meel kasta oo ay joogaan, sidaas darteed, waxaan amrayaa ciidamada qalabka sida meel kasta oo ay joogaan inay feejignaadaan oo ay labo laabaan howsha ay hayaan islamar ahaantaana ka feejignaadaan howlaha waxashnimada ah ee ay ku kacayaan Shabaabku,"Ayuu yiri Camay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in ururkaasi kasoo horjeedaan xasiloonida Soomaliya isagoo intaasi raaciyay inay ka hortagayaan dhaq-dhaqaaq kasta oo ay sameeyaan.

Camay ayaa dhinaca kale hambalyo u diray bulshada reer Putland isagoo ugu hambalyeeyay inay bishan ku dhammaystaan farxad, nabadgalyo iyo barwaaqo.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan qaar kamid ah mareegaha Internet ka lagu daabacay in madaxweyne ku-xigeenka Puntland ka digay weeraro kooxda Shabaab qorshaynayaan inay ka gaystaan gudah Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenku kama hadlin dagaalka beelaha ee gobolka Sool, kaasoo ay ku dhinteen in kabadan 20 ruux, halka maamulka Somaliland si xooggan uga dhiidhiyeen islamarkaana ciidamo usoo direen deegaanka Dharkayn-geeyo gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM