Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo u safray Buuhoodle

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta safar ku tagay degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, halkaas oo muddooyinkii dambe uu ka jiray xanuuno galaaftay nolosha dad badan.

Xanuunka ayaa ahaa Shuban-biyood ka dhashay abaartii ka jirtay degmada. Safarka Madaxweynaha ayaa la xariirta sidii wax looga qaban lahaa xaaladaas adag.

Camay, mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha wuxuu sheeegay in dadka deegaanka ay u wadaan deeq isugu jirta, Raashin iyo Dawo taasoo wax looga qabanayo dhibkii halkaas ka dhacay.

“Dawo waa sidnaa, Raashin faro badan waa sidnaa, wax badan ayaan sidnaa runtii oo ilaa 1500 qoys waxbaan gaarsiin doonaa,” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay.

Kaalmada ay sidaan ayuu carrabka ku dhuftay inay tahay mid ay gacan ka gaysteen hay’adaha ka jira Puntland gaar ahaan Al-Minhaaj.

Wuxuu xusay in xukuumaddu mar kasta ka warqabtay xaaladda degmada Buuhoodle, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan caawinta dadka tabaalaysan ee la daalaa dhacaya xaanuunkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in degmada Roobsatay xilli ay kamid ahayd goobaha lagasoo sheegayay abaarta baahsan.

Muddooyinkii dambe waxaa degmada Buuhoodle tagayay gurmadyo ay sameeyeen dadka samafalayaasha ah ee ku nool Puntland iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM