Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Image

Garoowe - Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan joogteynta ka shaqeynta Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada Nabadda & Amniga Tubta Muqtaqbal Nabdoon oo adkaysi leh.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Goloyaasha Dowladda, Diblumaasiyiin ka socda Europe, Siyaasiyiin, Cilmibaarayaal ka kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM