Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo cafis u fidiyey maxaabiis

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland siciid Cabdulaahi deni ayaa cafis gaar ah ugu fidiyey shan oday oo Bosaaso loogu xiray arimo Siyaasadeed isla markaan Maxkamada Bosaso dhawaan ku riday xukuno kala duwan xabsi iyo ganaax lacag isugu jira.

Cafiska madaxwayne Deni oo ay shaacisay Madaxtoyada Puntland ayaa sidan u dhigan.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.

Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland

Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM