Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo soo saarey digniin

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland kana qeybgalayaan marti sharaf badan.

Deni ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in Dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Dowladda Puntland ayaa hore u yareysay Cashuurta laga qaado Gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan , sidoo kale Dowladdu waxay horumarisay tamarta Shirkadaha Korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Intii uu hadlayey, Deni oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in dadku si nabad ah u wada noolaadaan ayaa ka digay yagleelida degaano horleh oo aan la isla ogeyn.

"Puntland waxaa ka dhacday 'meel baa la yiri ceel kama qodan kartaan'; qof la yiri 'biyo ma cabi kartid' muxuu sameynayaa? Marka waxaa la rabaa khaladaadka dadka degaanada qeybtood ay gelayaan hadhowna ay ka qeylinayaan hadhowna ay eeda ka dhigayaan haku xisaabtamaan eeda in ay ayaga leeyihiin," ayuu tibaaxay.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka , Culimada iyo Ururada Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM