Madaxweyneyaal shir saddex-geesood ah ku yeelanaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa shir saddex-geesood ah ku yeelanaya Boosaaso, sidda uu ogaaday bogga Garowe Online.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, Axmed Maxamed Islaam, hogaamiyaha Jubaland, ayaa la filayaa in uu saacadaha soo aadan ka dego halkaas.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug, ayaa dhankiisa lagu waddaa in uu madaxdaan ku biiro.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in madaxda ay shirkooda kaga hadli doonan xaaladda guud ee Soomaaliya si gaar ah ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka soo aadan.

Kulankan saddex geesoodka ah ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la filayo in doorashada madaxweynaha Gamudug ay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa diidey faragalinta xukuumadda Muqdisho, isagoo guddi kale ka magacaabey magalaada Galkacayo kuna dhawaaqey inuu doorasho kale "oo reer Galmudug u dhan tahay" uu qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM