Madaxweynihii hore ee PL oo ka tacsiyeeyey geerida Danjire Bari-Bari

Image

March 28, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkii shalay Al-shabaab kusoo qaaddey Hotel Maka Al Mukarrama.

Si gaar ah Farole wuxuu tacsi ugu direy ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland.

Dadka weerarka ku dhaawacmay wuxuu Ilaah uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo kana dul qaado dhibka.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa weerarka ku tilmaamay fal waxashnimo ah kana durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo bini aadamnimada.

Weerarkan waxaa sidoo kale cambaareeyey  madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo danjiraha Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya Nicholas Kay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM