Madaxweynihii hore ee Puntland oo tacsi u direy dadka Soomaaliyeed

Image

February 21, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Farole ayaa weerarka ku tilmaamay fal waxashnimo ah kaasoo ka durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo bini aadamnimada.

Dadka weerarka ku dhaawacmay wuxuu Ilaah uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo kana dul qaado dhibka.

"waxa meesha ka dhacay waa wax laga naxo oo ah argagixiso rasmi ah...waxan jeclahay inaan tacsi u soo jeediyo intii dhimatey eheladooda, haday yihiin reer Puntland iyo haday yihiin gobollada kale" ayuu yiri.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland inay midnimadooda ilaashadaan meelna uga soo wada jeestaan cid kasta oo midnimada iyo ammaanka wax u dhimi karta.

"idinkuna midnimadiina iyo taxadarkiina iyo inaad wada shaqeysaan oo amniga la wada adkeeyo oo nin walba dhinaciisa ka dadaalo ayaan idinkula dardaarmayaa"

Weerarkan waxaa cambaareeyey beesha caalamka iyo madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha kale ee qaybta ka ah federaalka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM