Madxweynaha Puntland oo u dhoofey wadanka Ethiopia

Image

GAROWE Feb 8,2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka oo Isniin ah u dhoofey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka, Wasiirka dekedaha iyo Wasiiru dowlaha xiriirka Caalimiga.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in ujeedada safarkani la xiriirto kulamo wafdiga Puntland Addis Ababa kula soo qaadan doonaan shirkado shidaal iyo kuwo ganacsi.

Booqashadii ugu dambeysay ee Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ku tago dalka Ethiopia ayaa waxaa uu heshiis kula soo galey shirkad kamid ah kuwa shidaalka ka baarta badaha. Shirkadaas ayaa war-saxaafadeed lagu daabacey boggeeda ku shaacisey heshiiska halka dowlada Puntland gaar ahaan agaasimaha u qaabislan shidaalka Madaxweyne Gaas uusan ka hadlin.

Dhowaan ayey aheyd markii booqasho Puntland ku yimideen ganacsato u dhalatey wadanka China kuwaasoo fadhigoodu yahay dalka Ethiopia. 

Dadka siyaasada Puntland la socda ayaa horey walaac uga muujiyey safarada is-daba jooga ah ee Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ku tagayo wadanka dibadiisa kuwasoo kharash badan ugu jooga cashuur bixiyeyaasha.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Boasaso iyo Galkacayo ayaa waxaa kasoo daraya amnigooda halka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ka cabanayaan intooda badan mushahar la'aan gaareysa shan bilood. 

 GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM