Magacyadda xubnaha guddiga gurmadka roobabkii Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabeysa gurmadka loo fidinayo dadka waxyeeloobay roobabkii u dambeeyay ee ka da'ay goboladda maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa magacaabay guddiga gurmadka degdeg ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda hada taagan ee roobabka lixaadka ee sababay burburka wadooyinka guud ahaan Puntland gaar ahaana Gobolka Gardafuu, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Guddigaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo gaarsiin lahaa gurmad shacabka ay waxyeeleeyeen Roobabku iyo wax ka qabashada jidadka go'ay.

Waxay kala yihiin Guddigaasi:-

1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga).

2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland
(Xubin)

3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin)

4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin)

5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin)

6. Shiikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin)

7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin)


Meelaha xaaladdaha adag ka jiraan ayaa waxaa kamid ah Gobolka Gardafuu, halkaas oo la sheegayo in isu socodka uu yahay mid aad u adag maadaama wadooyinka ay go'een.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM