​Mallayshiyaad hubaysan oo rag kala dagay baabuur ka yimid Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan oo ilaa hadda aan haybtood la aqoonsan ayaa jidka xalay u galay gaari Rakaab ahaa oo kayimid degmada Qandala ee gobolka Bari kaasoo kusii jeeday magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Jidkooyada oo ka dhacday deegaan Mareegaale oo qiyaastii 28KM u jira Qandala, ayaa warar kala duwan kasoo baxaya an, waxayna qaybtood sheegayaan in lagala dagay 9 kamid ah raggii saarnaa Baabuurkaas oo noociisa lagu sheegay Waraad.

Baabuurku , wuxuu siday ku dhawaad  16 ruux oo ay ku jiraan Carruur, saddex dumar ah iyo dad waayeel ah.

Dadka baabuurka lagala dagay waxaa ku jiray ciidamo katirsan Puntland oo kayimid dhinaca degmada Qandala inkastoo warar aan la xaqiijin karin tilmaaamayaan inay ka baxsadeen gacanta kooxdaas 5 kamid ah raggii kooxdu gaariga kala dagtay.

Saddex kamid ah raggaas ayaa ayaa ka bad-baaday tacshiirad xoog leh oo lagu furay xilligii ay ka baxsanayeen gacanta ururkaas, halka labada kale aan war laga hayn.

Ilaa Afar ruux ayaa lasoo warinayaa inay ku jiraan gacanta mallayshiyadaas oo loo malaynayo inay katirsanyihiin ururka Daacish ee ka dagaallanta buuraha gobolka Bari kuwaas oo aan ilaa iminka nolol iyo geeri xaaladooda laga war-hayn.

Afduubka ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaan ay horay ugu dagaallameen ciidamada Puntland iyo Mallayshiydaas oo sannadkii hore gacanta ku dhigay degmada Xeebta dhacda ee Qandal.

Falkan ayaa wararku uu helayo GO sheegayaan inay ka dambeeyeen rag afku u duubanyahay oo tiradooda lagu qiyaasay 50 nin.

Guddoomiyaha degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe ayaa sheegay in saaka ciidammo u direen deegaanada lagu tuhmayo iney ku sugan yihiin Maleeshiyaadkaasi si ay u sameeyaan howlgallo lagu soo badbaadinayo dadka ay afduubteen iyo kuwa howdka ku baxsadayba.

Maleeshiyada ayaa la sheegay iney fasaxeen gaarigii oo ay la socdeen haweeney carruur sidatay iyo darawalkiiba.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo ku aadan tallabaadaas.

Sidoo kale ururka Daacish masheegan mas'uuliyadda jid gooyada loo dhigtay gaarigaas.

Xaaladda Qandala ayaa daganayd tan iyo dhammaadkii sannadkii hore kadib markii ciidamada Puntland kasaareen kooxdaas.

Madaxweyne Gaas ayaa booqday oo shacabka u ballanqaaday in amniga goobtaas yahay mid la isku hallayn karo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM