Manhajka waxbarashada PL oo Garowe looga doodey

Image
Image

January 24, 2015 (GO)- Kulan looga doodey turxaan bixinta manhajka cusub ee waxbarashada Puntland ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka Jaamacada Bariga Afrika ee Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, madaxda wasaarada waxbarashada iyo ergo 180 xubnood ka kooban oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland.

Shirka waxaa daah furey Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Maxamed Cali Faarax, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo turxaan bixin lahaa manhajka waxbarashada Puntland loona qiimeyn lahaa hadii ay jiraan waxyaabo u baahan in lagu daro ama ay tahay in laga saaro.

Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa isna sheegay in manhajkani yahay mid dhaxalgal ah, kaasoo diyaarintiisa waqti, maskax iyo dhaqaale badan la geliyey islamarkaana ay ka qayb qaateen diyaarintiisa khubaro badan oo dhanka waxbarashada ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa dhiirigeliyey dadaalka wasaaraddu ugu jirto in la helo manhaj waxbarasho oo dhameystiran kaasoo wax ka bedeli doona qaabka waxbarasho iyo mustaqbalka ubadka soo koraya.

Manhajka maanta laga doodey waxaa la diyaarinayey laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo la dejiyey qaab-dhismeedka manhajka waxbarasho ee hada lagu darso dugsiyada hoose, dhexe, sare ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM