Mareykanka oo ammaanay doorashada Puntland xilli Villa Soomaaliya ka aamustay

Image
Safaarada Ameerikaanka ee Muqdisho ayaa soo dhaweysay in dadweyne ay doortaan xubnaha matalaya.

GAROWE, Puntland - Dawladda Mareykanka ayaa bogaadisay Doorashooyinkii goleyaasha degaanka ee ka qabsoomay gobolka Nugaal ee Puntland.

Safaaradda Ameerikaanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay farxad weyn tahay Kumanaan dadweyne oo codkooda kusoo doortay xubnaha metelaya ee golayaasha degmooyinka.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter ee Safaaradda ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya doorashooyinka qof iyo codka laga doonayo oo ay tahay in lasameeyo.

Dhanka kale, madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka aamusan, talaabada dadweynuhu codka kudhiibteen, xilli hogaanka Villa Soomaaliya sheegayaan in ay jecel yihiin qabashada doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM