Marxuumad Aamino Abiib oo Garowe aas qaran loogu sameeyey

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta ka qeyb-galay aas-qaran oo qabuuraha magaalada Garoowe loogu sameeyey Alle ha unaxariiste marxuumad Aamino Abiib oo ahayd xaaska madaxweynihihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole.

Aaska waxaa sidookale ka soo qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, madaxweyne ku xigeenki hore ee Cabdisamad Cali Shire, Isimmo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeriyootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

"anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo" ayuu yiri.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isna goobta ka hadlay ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidookale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumadda, waxaana uu alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

 
IMG_4108IMG_4120IMG_4123IMG_4126 (1)IMG_4126IMG_4127IMG_4133IMG_4162IMG_4165IMG_4183

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM