Mashruuca wadada isku xirta Garowe iyo Eyl oo barri la daahfurayo

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu wadaa inuu barri kasoo dago magaalada Garowe caasumadda Puntland, kadib safar uu ku dhawaad Labo Asbuuc ku joogay dalka Ethoipia.

Gaas ayaa imaanshihiisa waxaa lala xiriirnayaa inuu daahfuri doono mashruuca lagu dhisayo jidka isku xara Eyl iyo Garowe oo katirsan gobolka Nugaal kaasoo laga dhigayo Laami.

Arrintan waxaa GO u xaqiijiyay saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland.

Mashruucaas oo ay qaadatay shirkad laga leeyahay dalka China oo horay u dhistay Garoonka diyaaradaha Bosaso (CCECC), ayaa Madaxweynuhu ku shaaciyay soo noqoshada safar kan ka horeeyay oo ku tagay waddanka Ethiopia.

Dhismaha wadadan ayaa sidoo kale lagu lammaaniyay garoonka diyaaradaha Galkacyo oo isna laga dhigayo mid caalami ah.

Dhagax dhigo garoonka ayaa dhici doona asbuuca soo socda gudihiisa iyadoo la filayo in daahfurka kadib madaxweyne Gaas iyo wafti ka tirsan shirkada dhisi doonta garoonka diyaardaha Galkacayo.

Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland, ayaa dhawaan qalinka ku duugay barnaamijkan oo aan sharaxaad badan laga bixin kaasoo sidoo kale soo maray golaha wasiirrada.

Balse Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha ka dalbaday inuu tafaasiishiisa uu keeno kalfadhiga golaha shacabka ee soo socda.

Wuxuu kusoo aaday xilli uu socdo dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe oo hadda gabo-gabo ku dhow.

Degmada Eyl ayaa ku taalla goob muhiim ah iyadoo saaran xeebta Bad-weynta Hindiya, waxaana goob taariikhi ah, balse dhibka haysta ayaa ah waddo la’aan iyadoo baabuurta iyo shacabka u safra ay la kulmaan dhib adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd

Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.

  • Puntland

    25-07-2025

  • 01:33PM

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM