Mashruucii shidaal baarista Puntland oo dib loo bilaabayo

Image

January 3, 2015 (GO)- Dowlada Puntland ayaa shaacisay in dib loo bilaabi doono mashruucii shidaal baarista ee ka socdey Puntland kaasoo muddo labo sano ah hakad galay.

Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Dhoollawaa oo maanta magaalada Bosaso shir-jaraa'id ku qabtey ayaa sheegay in sanadkan cusub ee 2015 dib loo ambaqaadayo hawlihii shidaal baarista.

Dhoollawaa ayaa sidoo kale sheegay in weli muddo sanad ahi ka harsan tahay qandaraaskii lala galay shirkadihii horay dalka u joogey ee shidaal baarista ka sameeyey dooxada Dharoor gaar ahaan labadii ceel ee Shabee I iyo Shabeel II.

Inkastoo si rasmi ah aanu u carrabaabin xiliga dib loo bilaabayo shidaal baarista wuxuu hadana sheegay in wejiga labaad ee baaritaanka laga sameyn doono ceel laga qodayo dooxada Nugaal ee gobolka Nugaal iyo ceel saddexaad oo laga qodayo dooxada Dharoor.

Dhanka kale Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ayaa mar kale ku celiyey in Puntland aqbali doonin in shirkado iyadu aanay heshiis la gelin shidaal ka baaraan deegaanada Puntland.

Ugu dambeyntii wuxuu digniin u direy dad uu sheegey inay si dhuumaaleysi ah garoomada iyo dekedaha dalka uga dhoofiyaan macaadin dhagxaan u badan iyagoon wax ruqsad ah ka heysan dowlada. Cidii hada kadib lagu qabto falkaas wuxuu sheegay in sharciga la horkeeni doono.

Mashruuca shidaal baarista Puntland ayaa soo bilowday xilligii dowladii Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole oo iyadu dadaal dheer u gashay sidii loo sahamin lahaa loona baari lahaa shidaalka ceeriin ee ku jira dhulka Puntland.

January 16-keedii 2012 ayey ahayd markii ugu horreysey ee ceel shidaal laga baarayo laga qodo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kadib burburkii dowladii dhexe. Ceelkaas oo loo bixiyey magaca Shabeel One waxaa laga qoday dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM