Gudoomiyihii hore ee degmada Qandala oo lagu khaarijiyey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gudoomiyihii hore ee degmada Qandala ayaa lagu khaarijiyey Boosaaso, xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Taliska Booliska xarunta gobolka Bari ayaa khadka telefoonka ugu sheegay mareega Garowe Online in falkaas ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan bastoolada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamed Quurshe ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Kaalinta Shidaalka ee Allaadii, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

"Ciidamada amniga waxay ku raadjoogaan gacan ku dhiigleyaasha," ayuu bileyska ku yiri warbixin kooban oo uu siiyey mareega GO kadib xiriiro uu la sameeyay.

Wallow dhacdooyinkaan oo kale looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish, illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda toogashadaas.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay laamaha ammaanka kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada lagu sugayo xasiloonida magaalada.

Booliska iyo cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa xalay fashiliyey qaraxyo lagu diyaariyey guri kaasoo ay ku duuleen markii ay macluumaadkiisa heleen.

Waa kuma Jaamac Maxamed Quurshe?

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay warsidaha GO ayaa intaas ku daray in Quurshe la bartilmaameedsaday xili uu kasoo baxay hotel.

Laamaha ammaanka oo howlgalo sameeyay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr shaqsiyaad oo lala xiriirinayo dilka mas'uulkaas.

Quurshe ayaa bishii Janaayo, 2012-kii loo doortay gudoomiyaha maamulka Qandala. Sanadkaas waxay ahayd markii ugu horeysay oo gole degaan loo sameeyay degmadaas.

Bishii May, 2018 ayuu xafiiska baneeyay markii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kala diray golaha degaanka. Yuusuf Maxamed Ciise [Qixiye] ayaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay xilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM