​Mas'uuliyiin ka hadashay weerarka Galkacyo

Image

GAROWE- Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda iyo saraakiisha ammaanka Puntland, ayaa ka hadlay Qaraxii xooggana ee saaka ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo, waxayna tacsi u direen dhammaan intii ku waxyeloowday falkaasi oo ay ku tilmaameen fal waxashnimo ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Afhayeenka Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, iyagoo inta dhaawacantay ALLE uga baryay inuu u boogga dhayo.

Dhinaca kale wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Puntland, Axmed Karaashoi iyo Cabdi Xirsi, ayaa shir jara'id oo warbaahinta ugu qabteen warbaahinta, waxay ku sheegeen in arrintaasi saamayn ku yeelan doono xasiloonida Puntland, waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan nabad galyada laamaha ammaankana kusoo wargaliyaan cid kastoo ku tuhmaan falal amni darro.

Mulkiilayaasha Gawaarida iyo Hotellada ayay ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan mati galinta iyo qaadista cid aysan xog ka hayn iyagoo ku wargaliyay ciddii arrintaasi lagu helo in sharciga la gayn doono.

Waxay intaasi raaciyeen in lagu raad joogo ciddi ku  lug lahayd weerarkii ka dhacay magalada Galkayco.

Qaraxan ayaa laga dareemay guud ahaan Puntland, waxaana uu noqday hadal haynta ugu badan, waxaana weerarkan oo sheegatay kooxda Shabaab kusoo beegmay xilli dhawaan lagu jabiyay dagaallo ka dhacay Mudug iyo Nugal

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM