​Mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka iyo Puntland oo shacabka kula ciiday Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland ayaa maanta shaca aad u badan kula ciiday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Barlamanka, mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne isugu jira rag iyo dumar ayaa soo xaadiray salaadda Ciidul-fidriga.

Khudbado kala duwan oo ay jeediyeen maamulka degmada Garowe, maamulka gobolka, culimaa'udiinka Puntland, waxay kaga hadleen ammaanka iyo in la ilaaliyo midnimada iyagoo xusay in loo baahanyahay in la sii wado acmaasha khayriga ah ee bishan la qaban jiray.

Islaam Ciise Islaam Maxamed oo ka hadlay xafladda ayaa dadweynaha ugu duceeyay nabad iyo barwaaqo isagoo ugu baaqay in qof walba kasoo baxo mas'uuliyadda saaran.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hadal kooban jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Somaliyeed isagoo sannadkan sannadkiisa kale alle uga baryay inuu ku gaarsiiyo cimri iyo nabad galyo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan in lasoo dhaweeyo dadka abaaruhu saameeyeen ee usoo naq raacay gobollada Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inaan la ogolayn in Puntland lala soo galo hub.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa isna ku nuux-nuuxsaday waxyaabo ay kamid ahay ammaanka, isagoo ballan qaaday in Puntland amnigeedu muddo soo jiray hadana uu jiri doono, isagoo wacad ku maray in gacan bir ah lagu qaban doono ciddii isku dayda inay waxyeelleyso.

Magaalada Garowe ayaa laga dareemayaa jawi farxadeed isagoo wadooyinka lagu arkayo dhallaan loogu labisay dhar quruxsan iyo dadweyne kale oo waqtiga ciida ku qaadana waddooyinka iyo meelaha shaarica ah ee la isugu yimaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM