Madaxtooyada oo ka warbixisay kulan uu Deni la yeeshay wasiiradiisa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

"Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Hay’addaha Dowladda waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM