Maxaabiis ku xukumanaa dil iyo qaraxyo oo ka baxsaday xabsiga Galkacyo

Image
Ciidanka ilaalada saldhigga ayaa la xaqiijiyey inay ku guulaysteen qabashada 8 kamid ah maxaabiista.

GAROWE, Puntland - Afar kamid ah rag maxkamadaha Puntland horay ugu heleen dembiyo isugu jira dilal, qaraxyo iyo kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka baxsaday saldhig gaar ah oo kuyaal Bariga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidanka ilaalada saldhigga ayaa la xaqiijiyey inay ku guulaysteen qabashada 8 kamid ah maxaabiista doonaysay inay baxsadaan halka afarta kalena ay fakad kayihiin gacanta laamaha ammaanka oo aan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyey jiritaanka shaqsiyaad ku lug leh baxsashada raggaasi oo uu dowladda ugu baaqay in loo ciqaabo falkaan oo mid lamid ah Galkacyo ka dhacay 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM