​Miisaaniyadda dowladda Puntland 2017 oo Baarlamanka loo gudbiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta golaha Barlamanka Puntland loo gudbiyay miisaaniyadda dowladda ee 2017 taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Sheikh Axmed ku xigeenkiisa Axmed Yaasiin Saalax iyo guud ahaan Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyada ayaa si wada jir ah ugu sugna maanta xarunta Baarlamaanka ku leeyahay magaalada Garowe.

Miisaaniyaddan, ayaa todobaadkii hore, waxaa soo ansixiyay golaha xukuumadda, waxaana Barlamanka loogu soo gudbiyay si ay u ansixiyaan kadib marka ay turxaan bixiyaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin dheer oo ay wasaaraddu ka diyaarisay qaab dhismeedka ay yeelan doonto miisaaniyadda 2017, taasoo lagu daray goobo, hay'ado iyo canshuuro kala duwan oo la odorosay inay soo xaroon doonaan.

Cadadka miisaaniyadda, ayaa lagu sheegay inay noqon doonto dhakhli dhan; $160,5600,648.

Warbixinta laga hor akhriyay golaha Barlamanka, waxaa lagu sheegay in miisaaniyadda loogu talo galay is-dhin ku yimid madaxyo kamid ah dakhligii hore, iyadoo sidoo kale lagu xusay in wasaaraddu si ka fiirsi leh u saadaalisay Dakhliga billaha ah ee laga filayo inuu dowlada usoo xaroodo sannadka dambe.

Waxaa sannadkan qorshaha lagu daray in dakhli laga heli doono ilo cusub sida; Canshuurta shaqaalaha rayidka ee UN-ka,NGOs-ka iyo meelo kale.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu daray Canshuurta Garoomada Diyaaradaha Garowe, Bosaso iyo kuwo laga filayo Hay’adaha Caalamiga ah sida Qandaraasyada,Kirooyinka, baaburta iyo kharashada ay galaan.

Waxayna sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland in dhakhligaas odorosta dheer oo ay ku sameysay in bishii uu noqonayo koror dhan,$430,000 dolar oo ka dhigaya Dakhliga Miisaaniyadda sanadka 2017  ($5,230,000)

Axmed Yaasiin, ayaa golaha Barlamanka ka codsaday inay si xushmadi ku dheehantahay u ansixiyaan Miisaaniyadda.

Kulankii maanta oo shir guddoomiyay Guddoomiye Axmed Cali Xaashi, ayaa waxaa joogay ku dhawaan 40 mudane oo golaha Shacabka Puntland kamid ah, waxaana la filayaa inay ka soo akhristaan miisaaniyaddan maalmaha soo socda si loo meel-mariyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM