​Mudug: 4 qof oo ku geeriyooday dab qabasaday gurigooday

Image

GALKACYO, Puntland- Wararka aan ka helayno deegaanka Bandiiradlay oo hoos timaada degmada Galkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya inuu dabqabsaday goor dambe xalay goys danyar ah oo ku jiray hoy ka samaysnaa cooshadan.

Khasaaro nafaadeed ayaa dabkaasi ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay geerida 4 ruux oo isku qoys ah.

Lama oga sababta dhalisay dabkaasi, balse hooyada qoyska oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay ka shaki qabto walaalkeed oo u dhaartay.

Dadka geeriyooday oo u badnaa carruur, ayaa kala ahaa saddex wiil iyo Gabar, halka ay jiraan qof kale oo dhawac culus soo gaaray waxaana bad-baaday wiil, sida ay noo sheegeen maamulka gobolka Mudug.

‘’Xilli danbe oo dadka inta badan hurdeen ayeey aheyd markii uu dabka qabsaday reerkan, wax gurmad ah ma aysan helin, goobta waxaa ku dhintay saddex wiil iyo gabar oo qoyska ka tirsanaa, sidoo kale wiil iyo hooyadii reerkana dhaawac ayaa soo gaaray waxaana loo qaaday oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo,’’ Ayuu yiri Cabdirasaaq Axmed Jamac oo ah Guddoomiyaha tuulada Bandiiradlay.

Wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen iyo tuhun ku aadan falkaas oo dadka qaybtii sheegeen in si ula kac ah loo gubay qoyska.

''Baaritaan ayaa socda, laakiin hooyada reerka waxaa ay inoo sheegtay in ay shaki ka qabto wiil ay walaalo yihiin oo sida ay sheegtay u dhaartay, waa tuhun oo kaliya, laakiin baaritaan ayaa socda,'' Ayuu yiri guddoomiyaha.

Kiiskan, ayaa wuxuu noqday mid aad looga hadal hayo guud ahaan gobolka iyadoo dadka deegaanku ay aad uga naxeen falkaasi ku baaba'een dad carruur u badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM