​Musharaxa madaxweynaha Somalia Farole oo u dhoofay dalka Jabuti

Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Musharraxa madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta ka dhoofay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo kusii jeeda dalka Jabuti.

Madaxweynihii hore Puntland Dr: Farole, ayaa safarkiisu salka ku hayaa casuumaad uu ka helay xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ka qayb galayaa caleema saarka ku aadan dib u doorashada Geelle iyo dowladdiisa.

Waxaa sagootin loogu sameeyay madaarka Bosaso ee Bandar-qaasim, waxaana halkaasi ku sii sagootiyay mas'uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee dowladda Puntland iyo saraakiil hore.

Waa safarkii koowaad ee ku tago Jabuti tan iyo markii uu magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan hogaanka sare ee Somalia isagoo sababta is sharaxaadiisa ku sheegay soo afmeeridda nidaamka qabaliga ah ee 4.5, taasoo xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilantay inay dalka ka gudbiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM