Muuse Biixi oo eedeeyay DFS isagoo inkirsan jiritaanka Puntland [Daawo]
HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa mar kale eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay cida hurinaysa dagaalka ka socda degmada Tukaraq ee gobolka Sool isagoo inkirsan dowladda Puntland.
Biixi wuxuu sheegay inaysan wax colaad ah dhex oolin shacabka Puntland islamarkaana aysan jirin dakana horay uga dhaxaysay labada dhinac, balse qorshahan uu yahay mid laga soo maleegay magaalada Muqidisho.
“Puntland oo kamid ah maamullada Soomaalida ee federaalka ah oo aan xad la wadaagno maanta ayaa ugu horaysay colaad ka dhacda, maantana waxaa la keenay colaad laga soo raray Muqdisho,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Isagoo ka hadlayay in colaadan ay kicisay qorshihii ciidamadiisa degmada Tukaraq ku qabsadeen 08 Janaayo, 2018, wuxuu sheegay inay marar hore qabsadeen oo waliba waqti kamid ah dagaal kula galeen ciidamo katirsan Khaatumo.
“Dad badan abaa yiraahda tagitaanka ciidamada Somaliland ayaa kiciyay colaadda Tukaraq, ciidanka Somaliland Tukaraq wuxuu tagay 2013-kii, wuxuu tagay 2015-kii, waxaa mar dagay ciidanka Khaatumo ee la safan Somaliland, wuxuu uga soo noqdaa ciidanku meelaha uu dago xilliyada abaaraha, dambina ma galin ciidankeenu haduu tagay meel kamid ah dhulkeena, waanu dagayaa wuxuuna gudanayaa waajib Dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Muuse Biixi.
Wuxuu eedeeyay Madaxweynaha Puntland ku tilmaamay shakhsi danaha Federaalka la soo dhex-marsaday islamarkaana uu ku jiro damac xil dheeraysi ah, wuxuuna diiday inuu kala hadlo arrinta Tukaraq.
“Waxaan arkayaa in dadka Puntland dagaalka dani ugu jirine uu yahay mid siyaasad ah oo la leeyahay waa gobol caasi garoobay, xoog baan ku muquuninayaa ahoo, Xamar kasoo baxoo Cabdiwali lasoo marayo ayaan u arkaa,” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somaliland.
Wuxuu kaloo sheegay in arrinta Tukaraq ay ka wada hadlayaan Dowladda Federaalka, balse aysan arkin sabab ay ugala xaajoodaan Madaxweynaha Puntland.
“Marka ninka wada howsha ayaan kawada hadlaynaa, Dhaawicii miyaanu diyaarad usoo dirin oo Xamar la gayn, miyaanu Turkiga u qaadayn ciidankiisa, maxaan miskiin Cabdiwali oo la isticmaalayo kala hadlayaa, hadii nabad la doonayo nin baa dabada kawada, waa ka xumahay dhalinyarada Puntland ee reernimada lagu abaabulayo, aad baan uga xumahay dambina malaha, waxaa loo soo dhexmaray Madaxweynahooda oo malaha isagana ugala jeeda inuu siyaasiyan kursiga dheeraysto,” ayuu yiri Muuse.
Hadalka Muusa Biixi, ayaa kusoo aadaya xilli dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo kaliya uu ka socdo degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo dowladda Federaalka aysan wax saamayn ah ku lahayn, maadama murankan uu soo taagnaa muddo dheer oo ku siman markii dhidibada loo taagay Puntland.
Dagaal noocaan ah oo horay u dhexmaray labada dhinac wuxuu salka ku hayay lahaanshaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, taasoo aysan marnaba faragalin siyaasadeed iyo mid ciidan aysan ku lahayn xukuumadda dhexe.
Puntland waxay sheegtay in lagu soo duulay dulkeedii waliba lagu soo dhawaaday caasimadda Garoowe, taasina ay tahay mid aan loo dul qaadan karin.
Sidoo kale waxay ku eedeeyeen goor sii horaysay Muuse Biixi oo dhawaan la doortay inuu fidmo ka wado gobolka.
Maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa oo 27 sano ka hor ka go’ay Somalia balse aan helin aqoonsi ayaa eedayn joogta ah la daba taagan dowladda dhexe ee Federaalka taasoo ku baaqaysay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaada ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland.
GAROWE ONLINE