Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Degaanka oo la daahfuray

Image
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xalay bilaabay ololahan.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xalay si rasmi ah u daah-furay Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan.

Doorashooyinkan ayaa si rasmi u bilowmaya 06 July 2024 isla markaana socon doona illaa 22 July 2024, iyadoo Doorashada Saddexda Degmo ay dhici doonto 23 July 2024.

Lugatoor ayaa bulshada degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ugu baaqay in ay isu diyaariyaan tartan doorasho oo caafimaad qaba, iyadoo Xisbiyada laga rabo inay ololeeyaan iyagoo illaalinaya shuruucda iyo qawaaniinta ay dejisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC). 

Munaasabadda oo ay soo diyaarisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), waxaa ka qeybgalay 8-da Xisbi Siyaasadeed ee Puntland kuwaasi oo kala ah HORSEED, MIDEEYE, KAAH, MUSTAQBAL, RUNCAD, SINCAD , SHAQAALAHA IYO IFIYE. 

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dimuqraadiyadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM