Pl oo xukuntey 14 nin oo ka qayb galay shir cadaado ka dhacay

Image
Image
Image
Image

January 13, 2015 (GO)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku riddey 14 qof oo lagu soo eedeeyey inay ka qayb galeen shirka la sheegay in maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa maxkamadda horteeda ka akhriyey magacyada eedaysaneyaashaas iyo weliba dembiga loo haysto isagoo sheegay inay ku eedeysan yihiin qaran dumis iyo khiyaamo qaran.

Saddex kamid ah ragan waxaa lagu soo eedeeyey inay ka qayb galeen shir ka dhacay degmada Cadaado iyagoo sheegtay inay metelayaan bulshada reer Puntland ee degta waqooyiga gobolka Mudug halka 11 kalena lagu soo eedeeyey inay sheegashada raggaas ayideen.

Guddoomiyaha maxkamada darajada Koowaad ee gobolka Nugaal Axmed Salaad Maxamed ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay xukunka lagu ridey afar iyo tobanka eedaysane oo dhammaantood maqaneyaal ahaa, waxaana loo kala xukumay sidan:

Xukun Xabsi daa'im  ah ayaa lagu ridey:

  1. Cabdiweli Muuse Shire.
  2. Cabdirisaaq ismaaciil Xasan Darwiish.
  3. Cabdisalaam Cabdiqaadir Sheekh Doon.

Xarig toban sano ah ayaa lagu xukumay:

  1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.
  2. Cali Cigaal Af-gaab.
  3. Warsame Qolofeey Shiddo.
  4. Xasan Garabeey.
  5. Deeq Maxamuud Qaanso.
  6. Maxamed Barre Nuunuule.
  7. Cadooye Aadan Xasan.
  8. Xuseen Kuluc Maxamuud.
  9. Jaamac Maxamed Axmed.
  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan aqoonsan doonin maamulka la qorsheynayo in loo sameeyo gobollada dhexe, maadaama uu yahay mid liddi ku ah jiritaanka Puntland iyo midnimada bulshada reer Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM