​Puntland "1 Malyan iyo Bar qof ayaa abaartu saamaysay"

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoominayay Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha ee ka jira gobollada iyo saamaynta ay gasteen.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in dowladdu u diyaar garowday sidii loo caawin lahaa in kabadan 200,000 qoys, kuwaasoo ku sugan sagaalka gobol ee Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in abaarta jirta saamaysay dad lagu qiyaasay Hal Malyan iyo Bar qof oo ku sugan sagaalka gobol ee Puntland.

Dhanka amniga ayaa sidoo kale kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in xaaladda nabadgalyo ee Puntland ay tahay mid wanaagsan islamarkaana ciidamada difaaca loo diyaariyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka dadka abaartu saamaysay.

land

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM