Puntland: 11 ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal u dhaxeeyay mallayshiyaad hubaysan oo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano katirsan gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 11 qof oo katirsan mallayshiyaadkii dagaallamay oo kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa inuu istaagay galabta kadib markii ay kala dhexgaleen waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac.

Khasaaro kale ayaa ka dhashay iska hor imaadka oo ka dhacay deegaanada Godod iyo Gacnafale ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay 32 qof.

Majirto cid katirsan labada maamul oo ka hadashay dagaalkaas oo kusoo beegmay xilli heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen madaxweyne ku-xigeenada Galmudug iyo Puntland walow uusan dhaqan galin.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socdo iska hor imaad laba maalmood ka hor dhex maray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda dhinacyada hadda dagaalamaya.

Dhowr jeer oo hore dagaal noocaan ah ayaa ka dhacay gobolka Gaar ahaan deegaanadaas.

Inta badan isku dhacan ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM