​Puntland: 43 katirsan Al Shabaab oo dil toogasho lagu xukumay [Dhagayso]

Image

GAROWE- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 43 ruux oo katisan ururka Al Shabaab kuwaas oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdullaahi Xirsi Cilmi (Cali Barre), oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 43-daasi qof qirteen dambiyada loo haystay islamarkaana maxkamadda ka hor caddeeyeen inay kamidyihiin ururka Al Shabaab.

Cali Barre, wuxuu tilmaamay in dadkaasi la xukumay qayb ka ahaayeen 97 qof oo dagaallo lagusoo qabtay, kadib markii ay kasoo dageen xeebaha Puntland horraaantii sannadkan wuxuuna inta hartay ku sifeeyay kuwo buuxin waayay da'da qaan-gaarnimada, isagoo sheegay inay u samayn doonaan dhaqan celin oo ay u qabteen culimaa'udiin.

Dadka la xukumay ayuu sheegay inay mari doonaan heerar kala duwan islamarkaana u furantahay racfaan isagoo sheegay inay go'aanka ugu dambeeyay ee toogashada isla leedahay dowladda Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay inay u qabteen qareeno difaacayay.

Xabsiyada Puntland, waxaa ku jiray maxaabiis aad u badan oo loo haysto kiisas kala duwan, waxaana maxkamadayntan lagu soo beegay wax yar uun kadib markii madaxweynaha Puntland ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan kooxda Al Shabaab isagoo ku goodiyay inay lanyn doonaan dhammaan maxaabiistooda ku jira xabsiyada haddii aysan joojin dilalka ay la beegsanayaan haldoorka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM