​Puntland: Agaasimayaal xilal la kala wareegay

Image

GAROWE- Agaasimayaasha wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka Puntland ayaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay kadib markii dhawaan madaxweyne Gaasu xilalkaasi u soo magacaabay Cabdicasiis Nuur Cilmi "Koor" duqii hore degmada Garowe iyo Muna Daahir Dalmar oo lagasoo wareejiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Xaflado kooban oo ka dhacay labadaasi wasaaradood ayaa waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo dadweyne kale.

Agaasimaha cusub wasaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi "Koor" ayaa farax ku tilmaamay tallaabada xilkan loogu soo magacaabay isagoo sheegay in waqtigii wasaaraddan loo magacaabay Muno Dahir laga qaaday xilkii uu hayay ee gudoomiyaha degmada Garowe, isagoo sheegay inuu sii wadi doono shaqada agaasimuhu hayay, wuxuuna intaasi raaciyay in dalka iyo dadkaba u shaqayn doonaan.

Koor, ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda oo ku ammaanay shaqaday hayaan iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen, wuxuuna ugu baaqay inay halkaasi kasii wadaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaaji Qoob-deero oo madasha xilwareejinta hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay inuu madaxweyne Gaas wasaaradda usoo magacaabay shakhsigii ku haboonaa, wuxuuna ku booriyay inuu dar-dargaliyo shaqada iyo howlaha baaxadda leh ee wasaaraddu qabato.

Dhinaca kale waxaa maanta xilkii wareejiyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka Puntland  Cabdirasaaq Bogcad isagoo ku wareejiyay Muno Daahir oo laga soo wareejiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Muno ayaa loo magacaabay wasaaraddi saddexaad iyadoo horayna muddo uga soo shaqaysay wasaaradda haweenka.

Muno Daahir ayaa xafladdi xilwareejinta ka sheegtay inay shaqooyin badan qabteen 10-kii bilood ee ay joogtay Arrimaha Gudaha, iyadoo intaasi raacisay inay soo kordhiyeen shuruuco cusub iyo mashaariico tiro badan oo wax ku ool u ah bulshada reer Puntland.

Dhinaca kale waxaa isna hadlay agasimihii hore wasaaradda deegaanka Puntland Cabdirasaaq Bogcad, wuxuuna sheegay inuu waqti dheer wasaaradda joogay isagoo kawarbixiyay shaqooyinkii ay qabteen mudadii uu xilka hayay.

"Waxaan ballanqaadnay inaan wasaaradda ku baahino deegaanada dhaca badda Hindia, waxayna xafiisyo ku leeyihiin Jariiban xafiis baayaal, Eyl waa laga dhisaya, Baargaal waa ku yaallaa, waxaan u malaynayaa xaafuun ayaan lahayn laakiin waa loo dhisaya. Sidoo kale wasaaradda waxaa yalla 6 baabuur oo cusu," Sidaasi waxaa yiri Bogcad.

Wuxuu soo hadal qaaday xilkii loo magacaabay ee wasaaradda Dastuurka Puntland wuxuuna sheegay inuusan xilkaasi diidin balse uusan aqoon u lahayn isagoo sabab ka dhigtay inuusan baran shuruucaha iyo Dastuurka intaba.

"Aniga waad ogtihiin wasaarad baa la ii magacaabay Dastuurka, ma diidin waan ka cudur-daartay, yaan kalmadaas la iga faafin, ma diidin waan ka cudur-daartay sababtoo ah aqoon uma lihi, anigu sharci ma baran, Dastuur ma baran, waxaas oo dhan ma baran, waan ka cudur daartay, madaxweynuhuna waa ku mahadsanyahay xilka uu ii magacaabay," Ayuu hadalkiisa raacshay Agaasimihii hore wasaaradda deegaanka Puntland.

Wasiirka deegaanka Puntland ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna soo dhaweeyay agaasimaha cusub isagoo tilmaamay in barri tahay maalinta loo asteeyay deegaanka isagoo shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan oo xuskaasi ka qayb qaataan.

08 bishan ayay ahayd markii madaxweynaha Puntland isku shaandhayn ku sameeyay agaasimayaasha guud ee wasaradaha Puntland iyadoo u dhacday qaabkan;

Muno Daahir Dalmar oo ahayd Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa loo badalay wasaaradda deegaanka iyo duur joogta Puntland, halka booskeedi loo magacaabay duqii hore degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi "Koor".

Keyse Axmed Cali Shire Agaasimihii hore ee waxbarashada waxaa loo magacaabey Wasaarada Xanaanada Xoolaha .

Agaasimihii hore ee xanaanada xolaha Maxamed Cabdulqaadir waxaa loo badalay wasaaradda waxbarashada.

Agaasimhii hore ee wasaaradda deegaanka Cabdirisaaq Bogcad waxaa loo wareejiyey wasaaradda dastuurka iyo arimaha Federalka, xilkaasna wuu iska casilay.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda kalluumaysiga waxaa loo magacaabey Cali Xirsi Salaad Agaasimihii hore ee wasaaradda dastuurka.

Waa markii labaad oo madaxweyne Gaas isku shaandhayn kusameeyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM