​Puntland: Askar ku dhimatay Weeraro ka dhacay Buuraha Galgala ee gobolka Bari

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland, ayaa maanta iyo shalay ku dhintay weeraro ka dhacay buuraha Galgala ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen warar warsidaha GO ka helay saraakiil katirsan laamaha ammaanka Puntland.

Mallashiyaad lagu qiyaasay 60 ayaa Galabnimadii Jimcaha 18 Augosto, 2017 weerar ku qaaday Saldhig ay difaac kaga jireen ciidamo katirsan kuwa ka howlgala gobolka Bari, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dawac.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay GO, ayaa xaqiijiyay in madaafiic ay soo tuureen mintidiin katirsan Al Shabaab uu ku dhintay hal Askari, waxaana ciidamadu iska caabiyeen weerarka kooxdaas.

“Mallayshiyaad hubaysan oo aan ku qiyaasnay 60 ayaa weerar kusoo qaaday fariisinka ciidamadeenu ku leeyihiin buuraha Galgala, waxayna soo rideen hoobiyaal dhowr ah, ciidamadeenu waxay ku guulaysteen inay iska difaacaan weerarkaas, balse waxa goobta nooga dhintay hal askari.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay mid kamid ah saraakiisha ammaanka Puntland oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.

Sidoo kale waxaa nawaaxiga tuulada Balli Khadar maanta ka dhacay qarax kadib markii ciidamo u socday Galgal Askari katirsanaa uu ku istaagay miino lagu aasay waddo Gasha buuraha, waxaana halkaas ku dhintay Labo kamid ah ciidamada Puntland, halka ay uu dhaawacmay mid kale.

Weeraradan ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ammaanka.

Balse war kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas iyagoo tilmaamay inay dileen toboneeyo katirsan ciidamada Difaaca Puntland.

Xaaladda gobolka gaar ahaan Buuraha Gal-gala ayaa degan, inkastoo ay jirto khatarta kooxaha Argagixisada ee falalka amni darro ee lidka ku ah ciidamada Puntland iyo shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan kuwa daraawiishta Puntland oo ku sugnaa Tuulada Af-urur weerar lagusoo qaaday halkaasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gobolka Bari, waxaa ku sugan mallayshiyaad ka kala tirsan Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo ka dambeeya weerarada ka dhaca gobolka iyo magaalada Bosaso oo xarun u ah Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM