​Puntland: Askari ku dhintay qarax ka dhacay Galgala

Image

BOSASO- Wararka ka imaanaya buurallayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegay inuu dhintay hal askari mid kalena dhaawacmay, kadib qarax halkaasi ka dhacay.

Askartan ayaa sida la sheegayo ku wajahnaa magalada Bosaso iyagoo lugaynaya, waxaana ku qarxay miino dhulka lagu aasay  xilli roob uu da'ayay.

Mas'uuliyadda falkan, waxaa sheegatay kooxda Al Shabaab.

Arrintan ilaa hadda kama hadlin saraakiisha amniga iyo xukuumadda Puntland.

Galgala, waxaa ku sugan ciidamo Puntland katirsan kuwaasi oo dagaal kula jira kooxda Shabaab oo muddo halkaas ku dhuumalaysanaysay, waxaana muddooyinkii dambe yaraaday howlgalladii mallayshiyadaasi lagu qaadi jiray, taasi oo sabab u noqotay inay kusoo biirto koox kale oo sheegatay inay katirsantahay Daacish oo hogaamiyo nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin.

Shabaab iyo Daacishta Galgala, ayaa mar hore ku dagaallamay deegaano katirsan gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM