​Puntland: Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujisay go'aan kasoo baxay dowladda

Image

GAROWE, Puntland- Ururka ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee Puntland, ayaa walaac ka muujiyay go'aan kasoo baxay wasaaradda amniga oo lagu mamnuucayay in shirar siyaasadeed lagu qabto goobaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay kasoo lagu dhaliilayo xukuumadda.

Kulan ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Dalladda daneeyayaasha aan dawliga ahayn ee bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) 10kii Sebtember, 2017 laguna qabtay xarunta dalladda ee Garowe, ayaa walaac looga muujiyay tallaabadaas, waxaana war-murtiyeed kasoo baxay kulankaas lagu sheegay in arrintaas ka hor imaanayo mabaadi'da dimuqraadiyadda ee ku qoran Dastuurka.

"Dalladdu waxay aaminsan tahay in dawladda Puntland ay ku dhisan tahay mabaadida Dimoqraadiyadda sida ku cad qodabka 3 aad ee dastuurka Puntland." Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaas, waxaana lasii raaciyay, "Dalladda PUNSAA raalli kama noqon karto in la qabto wax shirar ah oo lagu khalkhal gelinayo amniga, xasiloonida iyo jiritaanka Puntland."

Sidoo kale war-murtiyeedka shirkaas ayaa dowladda loogu baaqay qodobo ay kamid yihiin;

  • Dawladda Puntland inaanay  hor istaagin shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo masiirka dalka iyo dadka.
  • Dawladdu waa in ay tixgeliso xoriyada fikirka sida uu qorayo qodabka 14 ee dastuurka dawladda Puntland.
  • Siyaasiyiintu waa in ay furtaan xisbiyo siyaasadeed oo ay ku cabbiraan aragtiyahooda siyaasadeed kuna hormariyaan qorshayaashooda.
  • Siyaasiyiintu waa in ay ka fogaadaan qabashada shirar khalkhal gelin kara aminiga iyo xasiloonida dalka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli ay kulmeen amarka dowladda iyo dadaalo ay wadaan PUNSAA iyo Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland TPEC kasoo lagu raadinayo in siyaasiyiintu ku dhiiradaan furashada axsaab siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM