​Puntland: Ciidamada oo baaritaano ka sameeyay Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada amniga Puntland, ayaa xalay howlgallo xooggan ka sameeyay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, halkaaso muddooyinkii dambe nabad-galyadeedu faraha kasii baxaysay.

Howgalkan oo bilowday xalay goor hore, ayaa laga sameeyay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Bosaso iyadoo guri guri loo baarayay islamarkaana su'aalo la weydiinayay dadka ku sugan goobaha qaybtood.

Ciidamada, ayaa howlgalkaas kusoo qabtay tiro dad ah, kuwaasoo laamaha amniga ka shakiyeen, waxaana iminka ku socda baaritaano kala duwan.

Mid kamid ah saraakiisha ammaanka degmada Bosaso, ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamadu gacanta kusoo dhigeen xubno laga shakiyay.

Howlgalkan, ayaa yimid xilli maalmo is-xiga gudahooda xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo mas'uul oo xilal ka hayay dowladda Puntland, kuwaasoo ilaa hadda aan dilkooda cidna loo soo qaban.

Waxaa sidaan oo kale maalmo ka hor howlgal ciidamadu sameeyeen kusoo qabteen 120 qof oo looga shakiyay amni darrada degmadaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM