Puntland "Ciidankeenu dhaawac xoog leh ayay u gaysteen Daacish"

Image

GAROOWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe islamarkaana uu shir guddoomiyay Madaxweyne Gaas, ayaa looga hadlaya qodobo ay kamid yihiin xaaladda amniga iyo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Golaha xukuumadda Puntland, wuxuu guulo la taaban karo ka sheegtay howlgallo ciidamada difaaca ay ka wadaan gobolka Bari gaar ahaan buuraha Cal-madow, kuwaasoo looga sifaynayo sida la sheegay ururka Daacish.

Xukuumaddu waxay sheegtay in ciidanka ku guulaysteen howlgalladii ilaa hadda la sameeyay inkastoo aysan soo bandhigin caddaymo iyo khasaaraha la gaarsiiyay kooxdaas, waxayn intaas ku dareen inay baacsanayaan haraadiga mallayshiyaaadkaas.

Golaha fulinta ayaa intaas raaciyay inay wadaan dullaano ka dhan ah kooxaha Al Shabaab iyo Daacish. Shirka laguma soo hadal qaadin duqaymo ka dhacay gobolkaas oo ay fuliyay Malaykanku.

Dhinaca kale shirka waxaa lagusoo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, waxaana warbixin laga dhagaystay wasaaradda dowladda u qaabilsan arrimahaas oo ka qayb gashay shirar caalami ah, waxaana Puntland sheegtay inay doonayso Dastuur kala cadaynaya waxa ay xaq u leeyihiin dowladda dhexe iyo kuwa maaamul goboleedyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale mudadii uu socday lagusoo hadal qaadin xaaladda Dekedda Boosaaso xilli uu dhammaaday heshiis kumeel gaar ahaa oo u dhaxeeyay ganacsatada iyo shirkadda maamulaysa dekedda.

Goluhu shirkooda kumasoo hadal qaadin xaaladda doorashooyinka Somaliland iyo waliba deegaanada Puntland sheegato ee codadka laga dhiibtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM