​Puntland: Dabaylo ku dhuftay Gardafuu

Image

BOSASO, Puntland- Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Bargaal ee gobolka Gardafuu ayaa sheegay in dabaylo xooggan ilaa shalay ka dhacayeen qaybo kamid ah gobolkaas.

Mid kamid ah dadka kalluumaysatada ah ee degmadaas ku sugan ayaa GO u xaqiijiyay dabaylaha ka dhacay qaybo kamid ah Gardafuu isagoo sheegay inay la tageen laashashkii islamarkaana waxyeello soo gaarsiiyeen guryaha qaybtood.

Wuxuu xusay inay kacday badda degmada Bargaal islamarkaana kasoo dhawaatay xalay aaggii hore.

Wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin roobab agaas ka da'ay balse wuxuu taas badalkeeda sheegay inay dabaylo iyo ciida wataan dabaylaha saameeyay gobolka.

Qaylo dhaan xoog leh ayay u direen dowladda iyo hay'adaha deeqaha bixiya iyagoo codsaday inay lasoo gaaraan wixii kaalmo ah.

Majirto wax khasaaro kale oo ay sababeen dabaylaahaas.

Xaaladda Bargaal iyo guud ahaan gobolka ayaa iminka dagan, waxaana arrintan timid xilli jawigu ka badalnaa sidii uu horay u ahaan jiray islamarkaan qaybo kamid ah gobolka Sool iyo deegaanada Somaliland roobab ka da'een.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM