​Puntland: Dabaylo ku dhuftay Gardafuu

Image

BOSASO, Puntland- Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Bargaal ee gobolka Gardafuu ayaa sheegay in dabaylo xooggan ilaa shalay ka dhacayeen qaybo kamid ah gobolkaas.

Mid kamid ah dadka kalluumaysatada ah ee degmadaas ku sugan ayaa GO u xaqiijiyay dabaylaha ka dhacay qaybo kamid ah Gardafuu isagoo sheegay inay la tageen laashashkii islamarkaana waxyeello soo gaarsiiyeen guryaha qaybtood.

Wuxuu xusay inay kacday badda degmada Bargaal islamarkaana kasoo dhawaatay xalay aaggii hore.

Wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin roobab agaas ka da'ay balse wuxuu taas badalkeeda sheegay inay dabaylo iyo ciida wataan dabaylaha saameeyay gobolka.

Qaylo dhaan xoog leh ayay u direen dowladda iyo hay'adaha deeqaha bixiya iyagoo codsaday inay lasoo gaaraan wixii kaalmo ah.

Majirto wax khasaaro kale oo ay sababeen dabaylaahaas.

Xaaladda Bargaal iyo guud ahaan gobolka ayaa iminka dagan, waxaana arrintan timid xilli jawigu ka badalnaa sidii uu horay u ahaan jiray islamarkaan qaybo kamid ah gobolka Sool iyo deegaanada Somaliland roobab ka da'een.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM