Puntland: Dagaal ka socda duleedka tuulada Garacad

Image
Image

GAROWE, Puntland- Wararka ka imaanaya jiida hore ee aaga tuulada Garacad gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo firxadka kooxda Al Shabaab uu ka socdo halka la yiraahdo Dhinowdo Qorwyaweyn.

Degaanka xeebta u dhexeeya tuulada Dhinowda Qoryaweyn iyo Garacad ayaa wararka sheegayaan in ciidamada Puntland maanta duhurkii  21 March,2016 isku hortaageen kooxda firxadka ah ee Al Shabaab oo qorsheyneysay iney halkaas uga gudbaan dhinaca Koonfurta Mudug.

Dagaalkaan ayaa warrarku sheegayaan in aan la aqoon karin khasaarahiisa madaama uu socdo balse wararka kale ee ka imaanaya taliska ciidamada ee jiidaas baa sheegaya in la qabtey maxaabiis firxad ah kuwasoo gaaraya 50 maleeshioyaad ah.

Sarkaal diidey magaciisa in aan xusno ayaa Garowe online u sheegey in maxaabistaan firxadka ah ka carareen dagaalkii maalintii shalay 20 March,2016 dhexmarey ciidamada amniga iyo kooxaha Al-Shabaab kuwasoo khasare balaaran kasoo gaarey degaanada xeebta ah oo ay ka soo dageen.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka ugu dambeeya dagaaladaan.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM