Puntland: Dagaal ka socday Balli-khadar oo is-taagay [Faah faahin]

Image

BOOSAASO, Puntland- Dagaal muddo saacado ah dhexmarayay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari ciidamo katirsan kuwa badda Puntland ee loo yaqaano PMPF iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa lagusoo waramayaa inuu is-taagay islamarkaana sababay khasaaro kala duwan oo dhimash iyo dhaawacba leh.

Saraakiil katirsan ciidanka PMPF-ta oo la hadlay GO, ayaa xaqiijiyay in dagaalku istaagay islamarkaana ciidamadu ka baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaankaas sababo aan la shaacin.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu iska caabiyeen weerar Gaadma ah oo uga yimid dhowr jiho.

Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in dagaalkaas la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan inkastoo aysan jirin cid si madax bannaan u xaqiijin karta khasaaraha dagaalka maadama uu kusoo aaday xilli habeen ah oo ay adagtahay in la helo xogta dagaalka.

Dowladda sidoo kale kama hadlin weerarkan oo ku soo aaday xilli xiisad dagaal oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay ka taagantahay degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama oga waxa isku soo beegay labadaas xiisadooda, inkastoo xukuumadda Puntland horay ugu eedaysay Somaliland inay taageerto ururka Al Shabaab.

Waqtigaan oo kale sannadkii hore Shabaab ayaa weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamada badda Puntland.

Mallayshiyadan ayaa weeraradeeda gaadmada ah kor u qaada xilliga Ramadaanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM