Puntland: Deeq la gaarsiiyay in kabadan 500 qoys oo ku sugan Dhahar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Koox samafalayaal uu hogaaminayo Guddoomiyihii hore gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay ayaa kaalmo iyo adeeg caafimaad u fidiyay qoysas abaartu saamaysay oo ku sugan degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Kaalmadan ayaa isugu jirtay, raashin iyo daweyn ay samaynayeen Dhalinyaro wax ka baratay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Bosaso.

Qoysas gaaraya 517 reer oo abaartu ku dhufatay ayaa la gaarsiiyay deeqdan oo ay ku yabooheen, Midowga Gabdhaha Muslimiinta ah ee UK iyo Arday wax ka barata Haydarabad ee dalka Hindiya.

Gabdhaha UK ayaa ku deeqay lacag gaaraysa 1000 Dollar oo ay usoo Wakiisheen Prof. Cabdirasaaq Xuseen Xasan oo ah Madaxa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Bosaso, halka Arday  Hindiya wax ka bartay ay ku deeqeen 704 dollar oo ay wakiil ka ahayd Hani Maxamud Axmed [Haala Queen Ali].

Deeqdaas waxaa loo wakiishay oo dadkaas gaarsiiyay Guddoomiyihii hore gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay oo ay weheliyaan; Guddoomiyaha daladda Dhalinyarada NEDYO Cabdicasiis Ismaaciil, Bashiir Suulay iyo Maxamed Cabdul qaadir oo kamid ah dhalinyarada samafalka ka shaqeeya.

Dhakhaatiirta kala ah; Maxamud Jaamac Cismaan, Aasiya Faysal Axmed Iyo Faadumo Cali Ismaaciil, ayaa geed hoostiis daweeyn u sameeyeen 137 Bukaan oo u Badnaa Dumar iyo Carruur.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay oo ka warbixiyay kaalmadaas ayaa u mahad-celiyay dhammaan dadka wax soo gaarsiiyay iyo sidoo kale xubnihii ka shaqeeyay qaybinta raashinkaas oo isugu jira Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, Timir, Saliid, Caano-boore iyo Caleen Shaah.

Guddoomiyaha degmada Dhahar Mustafe Cabdi Aadan, Taliyaha qaybta Booliiska Haylaan, Jaamac Maxamud Gabayre, Guddoomiyaha haweenka degmada Dhahar, Faadumo Maxamud, Guddoomiyaha guddiga abaarah gobolkaas, Ismaaciil Cabdi Shabeelo iyo xubnaha golaha deegaanka degmadaas ayuu mudane Tigay ku ammaanay sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jireen qaybtinta kaalamadaas.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli abaaro baahsan ka jiraan guud ahaan dalka Somalia gaar ahaan deegaanada Puntland, taasoo iminka maraysa heerkii ugu sareeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM