Puntland: Dhul iyo Guryo dowladdu leedahay oo Galkacyo lagu iibiyay

Image

GALKACYO, Puntland- Maamulka gobolka Mudug oo kaashanaya degmada Galkacyo ayaa iibiyay dhul iyo dhismayaal dowladdu lahayd, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiye Xassan Maxamed Khaliif.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladdu sifo sharci ah ku iibisay dhul bannaan oo ay lahayd wasaaradda Caafimaadka Puntland, kaasoo laga bixiyay lacag gaaraysa $200,000 taasoo lagu kabay dhismaha Cusbitaalka, kadib markii ay ku fillaan-wayday lacagtii loo aruuriyay sida uu sheegay Khaliif.

Wuxuu intaas ku daray isagoo shalay saxaafadda uga waramayay waxa uu kala socdo hantida la gaday, in labo guri oo dowladdu lahayd laga iibiyay dad shacab ah islamarkaana lagu kabay dayn lagu lahaa suuqa Xero Dayax.

"Cisbitaalka dhulka kasoo horjeeda oo ay lahayd wasaaradda Caafimaadka gobolka Mudug hada kahor ayaan Gudbinay in la gado, Madaxweynaha ayaan ka codsanay in lagu daro dhismaha cisbitaalka oo ay ku filnaan-wayday lacagtii hore, waxaana laga iibiyay dad shacab ah, lacagtii laga bixiyay oo gaaraysa $200,000 waxaa lagu wareejiyay Guddiga Cisbitaalka gobolka, sifo sharci ah ayaana lagu gaday." ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xasan Maxamed Khaliif ayaa difaacay qaabka dowladdu u martay hantidan isagoo tilmaamay in dhammaantood lagu bad-baadiyay baahiyo ka weynaa. Balse Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in ilaa 6 guri oo ay dowladdu lahayd lagu iibiyay magaalada Galkacyo, qorshahaas oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka, degmada iyo wasirro kuwaasoo kasoo dhammeeyay Madaxweyne Gaas.

Iibinta Hantida dadweynaha oo soo socotay ilaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa kusoo beegantayay xilli horay aysan dowladdu u shaacin inay jirto dayn lagu leeyahay xarumahaa Guddoomiye Khaliif uu sheegay in lagu kacay lacagihii laga bixiyay dhulka iyo guryaha la gaday.

Maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas iibiyo dhul ama dhismayaal dowladdu lahayd, kuwaasoo si bareer ah looga gaday dad shacab iyo shirkado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM