​Puntland: Doonyo kale oo gaaray Garacad gobolka Mudug

Image

Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in  ilaa labo doonyood gaareen deegaanka Garacad oo qiyaastii 260 u jirta xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo, waxaana la sheegay in doonyahan la socdaa mallayshiyaad hubaysan.

Goob jooge uu la xiriiray Warsidaha Garowe Online ayaa arrinta xaqiijiyay, wuxuuna xusay inaysan kala ogayn doonyahan inay xiriir la leeyihiin rag hubaysan oo ilaa xalay deegaanka ku sugnaa, balse saaka u baxay qaybo kamid ah degmooyinka Eyl iyo Godob Jiiraan.

Wuxuu sheegay in dhammaan dadkii magalada ku sugnaa qaxeen marka laga reebo tiro yar oo duruufo jira awgood u bixi waayay, isagoo intaasi raaciyay inaysan jirin ilaa hadda cid la dhibaateeyay.

Arrintan, ayaa timi xilli ilaa xalay gacan ku haynta magalada ka maqnayd dowladda Puntland, kadib marki mallayshiyaad hubaysan la wareegeen galinkii dambe maalintii Isniinta 14 Maarso.

Puntland oo dhacdadan ka hadashay ayaa ku eedaysay dowladda Federalka Somalia abaabulka mallayshiyaadkaasi, waxaana wasiirka amniga oo hadlay cadeeyay in Puntland amnigeeda ilaashan doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM