Eithiopia saami maku yeelanaysaa Dakhliga Dekedda Bosaso?

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar kale laga waraystay mashruuca dekedda Bosaso iyo lacagta shilling Somaliga, ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xariira arrimahaas.

Isagoo la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da, Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dekeddan faa’iido weyn u leedahay shacabka Puntland iyo guud ahaan Somaliya, sidaas daraadeed si loogu sii shaqaysto sanado badan ay u baahantahay ballaarin, maadama sida uu sheegay ay qarka u saarantahay inay xiranto sababo la xariira ciid buuxisay goobihi ay kusoo xiran jireen Maraakiibtu.

Madaxweyne Gaas oo sidoo kale wax laga weydiiyay sababta keentay in ciidamo dheeraad ah la keeno magaalada Bosaso, ayaa yiri, “Ciidamada anaa u yeeray waxaana ugu yeernay inay magaalada ka ilaaliyaan Amni darrada iyo dhibaatada kooxda Al Shabaab, laakiin shaqo kuma laha arrimaha hadda socda.”

Mar Cabdiwali Gaas wax laga weydiiyay in Dhaqaalaha kasoo xaroonaya dekedda Bosaso wax ku yeelan doonto dowladda Ethiopia ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn heshiiskana aysan meelna kasoo galin ee ay tahay buunbuunin iyo been abuur la samaynayo.

“Been weeye waxba kama jiraan Itoobiyana waxba kuma yeelan doonto, heshiiskan waa heshiin Barlamanka la mariyay gole Xukuumadeed soo maray in badana oo dadka ka mid ahna ay hayaan, marka adeer warkaas waxba ka jiraan, meel aan Itoobiya kuwada galnay heshiis u ogolaanay inay dakhligaas wax ku yeelato majirto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku daray in mashruucan uusan saamayn ku yeelan doonin ganacsatada iyo shaqaalaha hoose oo wal-wal ka qaba in canshuurta lagu siyaadiyo, halka shaqaalaha ay ka cabsi qabaan inay meesha ka baxaan.

Dhismayaasha dekedda ka agdhow oo la filyay in la burburiyo ayuu Madaxweynuhu ka hadlay, wuxuuna sheegay in arrintaasi dowladdu amrin, hadana ay tahay qorshe loo baajiyay inay caqabad ku noqoto bulshada halkii laga sugayay inay hormar keento.

Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay lacagta shilling Somaliga iyo dhibaatada laga dhaxlay, wuxuuna mas’uuliyadda howshaas dusha uga tuuray kooxda Al Shabaab.

Qoraal dhawaan kasoo baxay maamullada dalka oo looga hadlayay xaaladda Galmudug ayaa wax laga weydiiyay iyo waliba shirka ka dhacaya Kismayo, wuxuuna sheegay in kulankaas uu gogoshiisa dhigay Axmed Madoobe ujeedkuna yahay in looga hadlo xaaladda Somalia.

Xil ka qaadista Xaaf ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid aan haboonayn, isagoo codsaday in dhibka deegaankaas loo baahanyahay inay kawada tashadaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Galmudug.

Ugu dambayn waxaa wax laga weydiiyay dhiibista Qalbi Dhagax, wuxuuna sheegay inaysan ahayn arrin u taala isaga hadana uusan rabin inuu ka hadlo.

Waa waraysigii labaad ee Madaxweyne Gaas bixiyo tan iyo todobaadkii hore, wuxuuna kusoo aaday xillii mashruucan Ballaarinta Dekedda Bosaso dhawaan bilaaban doono. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM

Puntland oo ka hadashay barakicinta Xasan Sheekh kawado Muqdisho

Xukuumada Puntland ayaa sidoo kale waxay dhaliishay in lasoo tarxiilo Soomaalida ku nool Jarmalka.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 08:17AM