​Puntland: Faah faahin dagaalka Godob-jiiran Nugal

Image

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal kharaar oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan oo dhawaan kasoo degay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, waxaana lagu soo waramayaa inuu dagaalku hakaday.

Saraakiil katirsan ciidanka dagaalka la galay mallayshiyaadkaasi, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in isku dhacaasi uu socday ku dhawaad 6-saacadood islamarkaana khasaaro xooggan u gaysteen kooxdaasi, wuxuuna intaasi raaciyay inay arkeen maydad badan oo dadsan goobta dagaalku ka dhacay.

Wuxuu isagoo sii hadlaya tilmaamay in haraadiga dagaalyahannadaasi galeen meel god ah, isagoo xusay in dagaalku joogsaday balse howlgalku sii socon doono ilaa barri hadii ALLE idmo.

Warar madax banaan oo khasaaraha dagaalkaasi aan ka helnay ayaa sheegaya dhimashada ku dhawaad 20 katirsan mallayshiyaadka, halka ciidamada Puntland ka dhinteen labo askari.

Majirto cid si madaxbanaan u xaqiijinta khasaaraha. Xiriiro kala duwan oo dhinaca dowladda la samaynay waxay tilmaameen inaysan helin karin xog rasmi ah maadaama dagaalku gaaray habeenimo iyagoo noo sheegay in wixii tafaasiil ah barri la wadaagi doonaan warbaahinta.

Dhinaca kale waxaa isna hakad ku jira dagaal ba'an oo ciidanka Puntland la galeen mallayshiyaad lala xiriirinayo kooxda Shabaab, waxaan iska hor-imaadka oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Suuj lagu soo waramaya in lagu hareeraysanyahay haraadiga koox yar oo ka hartay ku dhawaan 200 oo mallayshiyo halkaasi lagula dagallamay, waxaana warar madaxbanaan oo ka helnay noo sheegayaan in kooxdaasi ku jiraan tog balse la toogtay dhawr mallayshiyo dhaq-dhaqaaqyo isku dayay caawa xilli hore.

Goobaha dagaalku ka dhacay ayaa dagan caawa, waxaana ciidamada iyo mallayshiyaadku ku suganyihiin meelaha aasku ugu madoobaaday, waxaana arrintani saamaysay shacabka qaybtiis gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanka Suuj iyadoo odayaal lasoo xiriiray Radio Garowe sheegeen in dadka halkaasi ku dhaqan soo food saartay biyo la'aan xoogan madaama halkii ceel ee shacabku ka cabi jireen lagu dul dagallamayo.

Goob-joogayaasha nawaaxigaasi waxay sheegayaan inay arkeen diyaarado dul hee-haabaya togga Suuj oo god kamid ah mallayshiyadu ku jiraan, waxayna intaasi raaciyeen inay maqlayeen illaa shalay madafiic xooggan oo goobta ka dhacaysay.

Xaaladdan ka socota gobolka Nugal ayaa laga dareemay dhammaan deegaanada Puntland, waxaana socda gurmadyo xooggan oo fidinayaan shacabka qaybihiisa kala duwan kadib markii dowladdu sheegtay in dagaalka lagula jiro Burcad diimeedkaasi uu furanyahay islamarkaana shacabku ka qayb qaadan karaan.

Wixii kasoo kordha wararkaasi dib ayaan idiin kasoo gudbin doonnaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM