Puntland: Faah faahin tirada dhimashada dagaalka Suuj iyo mallayshiyada gacanta lagu hayo

Image

GAROWE- Warsidaha Garowe Online ayaa faah faahin dheeraad ah ka helaya howl gal maanta ka dhacay deegaanka Suuj ee gobolka Nugal halkaasi oo ku sugnaayeen mallayshiyaad tiro ahaan gaarayay 100, waxaana weerar xooggan oo ciidanka amnigu ku qaadeen goob ay ku dhuumalaysanayeen sababtay in kooxda goobta laga sifeeyo.

Sarkaal katirsan ciidanka ka howlgalaya Suuj, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in howlgalka lagu dilay 55 mallayshiyada katirsan, waxaana gacanta lagu dhigay 31 kale, halka 7 ruux firxadeed oo ciidamada amnigu wali baadi goobayaan.

Waxuu sheegay in howlgalka lagu guulaystay islamarkaana kooxahan gacanta lagu dhigay iyo maydkaba lasoo qaadi doono.

Wuxuu intaasi raaciyay inaysan jirin khasaaro xoggan oo dhankooda soo gaaray, balse howlgalka ku geeriyoodeen saddex kamid ah ciidamada difaaca Puntland, isagoo xusay in deegaankaasi laga sifeeyay burcad diimeed kusoo duulay carrada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM