​Puntland: Faroole oo si kulul uga hadlay weerarkii Af-urur [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore Puntland, hadana ah Xildhibaan katirsan golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Farole, ayaa si kulul uga hadlay weerar shalay kooxda Al Shabaab ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-urur oo katirsan gobolka Bari.

Farole oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii iyo ciidamadi ku waxyeeelloobay weerarkaas, isagoo codsaday in lagu sameeyo baaritaan qoto dheer maadama falkaas uu ahaa mid aan horay uga dhici deegaanada Puntland iyo buuralayda Gal-gala oo ay ku dhuumalaystaan mallayshiyaad katirsan Argagixisada.

Cabdiraxmaan Farole oo hadda ku sugan Waddanka Australia, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay talo isugu yeertay dadweynaha Puntland iyo saraakiisha ku xeel dheera arrimaha ciidamada si wax looga qabto xaaladda cakiran ee gobolka Bari.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in culayska kooxdan ka saaran koonfurta Somalia ay sabab u tahay inay si dhuumalaysi ah ku soo galaan deegaanada Puntland iyagoo doonaya inay ka fuliyaan weeraro argagixiso.

Mar uu ka hadlay weerarkii shalay iyo qaabka uu u dhacay ayuu Madaxweynuhu sheegay inay jirto dayacaad u baahan in la saxo islamarkaana la baaro cidda mas'uulka ka ahayd.

Ugu dambeyn Farole, ayaa ALLE uga baryay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarkaas inuu nacariistiisa kasoo waraabiyo.

Hadalka Madaxweynihii hore Puntland, ayaa kusoo aaday xilli weerar khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay deegaanka Af-urur oo 70KM u jira magaalada Bosaso, kaasoo mallayshiyaad katirsan Shabaab ku beegsadeen ciidamo katirsan Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo u badnaa haween, Odoyaal iyo carruur.

Ilaa hadda dowladdu ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM