Puntland: Gaas oo ka hadlay muranka dekedda Boosaaso [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe kadib safar qaatay toban cisho oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada kaga waramay safarkiisa Muqdisho iyo waxyaabo la xariira muranka dekedda Boosaaso.

Gaas ayaa ugu horayn tilmaamay in shirkii Muqdisho ay kasoo baxeen qodobo wax ku ool ah oo taageeraya nidaamka Federaaliisimka, isu soo dhaweynta umadda Soomaaliyeed, is-afgaradka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday tacaddi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabar da'yar, ayaa sheegay in qofkii falkaas ka dambeeyay sharciga la hor-keeni doono danbeeyey shakhsigii falkaas ka dambeeyay, wuxuuna mahadcelin u jeediyay maamulka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ku qabtay Dambiilaha oo kamid ah ciidamada Puntland.

Ugu dambayn Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa wax laga weydiiyay hakadkii ku yimid dhaq-dhaqaaqa ganacsiga dekedda Boosaaso, wuxuuna ku jawaabay, "Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye Dekedda, dekeddu waa hormar, qofkii ka horyimaadana waxaana u haysanaa inay tahay cid dan gaar ah leh."

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu diyaar u tahay inay kala hadasho ganacsatada wixii tabasho ah ee ay qabaan.

Hadalkan ayaa yimid xilli dekedu ku shaqaynayo heshiis toban cisho ku salaysan oo loogu talo galay inaan lagu joojin shaqooyinkii ka socday kadib markii ganacsatadu sheegeen in lagusoo kordhiyay lacago dheeraad ah.

GAROWEO ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM